882 Views

Azerbijaan oo xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidamada Dalka Armeeniya

Azerbijaan oo xukun ku riday Askar ka tirsan Ciidamada Dalka Armeeniya
____________________________________________________________________________

.

Sabti: July 24 2021

Maxkamad ku taala Dalka  Azerbaijan ayaa ku xukuntay 13 xubnood oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee wadanka Armenia min lix sano oo xarig ah, iyadoo lagu helay dambi ah inay si sharci darro ah uga soo gudbeen xadka.

Azerbaijan iyo Armenia ayaa waxaa dhexmarey dagaal aad u qaraar muddo lix todobaad ah sanadkii hore kaas oo ciidamada Azerbijaan ay ka saareen xoogaga qowmiyadaha Armenia dhulal badan oo ay mudo dheer ka ariminayeen gudaha iyo hareeraha Nagorno-Karabakh.

In kasta oo dagaalka haatan uu dhammaaday  hadana Azerbaijan waxay xirtey in ka badan 60 xubnood oo ka tirsan millatariga Armenia bishii Diseembar, iyagoo ku eedeeyay inay si sharci-darro ah ku galeen dhulka Azeriyiinta walow Qaar ka mid ah markii dambe waa la sii daayay.

13-ka nin ee la xukumay  ayaa la masaafurin doonaa ka dib markii ay dhammaysteen muddooyinkoodii xabsiga, sida lagu sheegay go’aanka ka soo baxay maxkamadda dambiyada culus ee Azerbaijan Maanta oo Jimca ah.

Horraantii bishan, Azerbaijan waxay xukunno kala duwan ku xukuntay 14 xubnood oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Armenia kuwaas oo ay gacanta ku dhigtey  Xiyo kaladuwan.

Dagaalkii ka dhacay Nagorno-Karabakh, oo caalamku u aqoonsan yahay inuu ka mid yahay Azerbaijan, wuxuu ku dhammaaday xabad joojin ay garwadeen ka ahayd Ruushka iyo Turkiga.

Office Bairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post