1065 Views

Faah faahin laga helay khasaaraha ka dhashay dagaalka Gobolka Shabeellaha Hoose

Faah faahin laga helay khasaaraha ka dhashay dagaalka Gobolka Shabeellaha Hoose
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 03, 2021–Mas’uuliyiinta  ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada dawladda ay iska caabiyeen weerarro ay saacadihii hore ee saaka ku soo qaadeen Al-Shabaab saldhigyada ciidamada ee magaalooyinka Bariire iyo Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Weerarradan ayaa la sheegay inay iskugu jireen qaraxyo iyo weerar ay gaysteen Al-Shabaab, waxaana ka dhashay khasaaro isgu jira dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray labada dhinac.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa u sheegay warbaahinta dawladda in ciidamada dawladda ay fashiliyeen weerarrada lagu soo qaaday Bariire iyo Awdheegle. Taliyuhu waxa uu sheegay inay khasaare badan u gaysteen Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegatay inay ciidamo ka tirsan dawladda ku dileen weerarradaas. Labada magaalo ayaa la sheegay inay haatan gacanta ku hayaan ciidamada dawladda.

Badhtamaha Soomaaliyana, iska horimaad ayaa maanta dhexmaray ciidamada dawladda iyo maleeshiyaadka Al-Shabaab tuulooyinka lagu magacaabo Sinadhaqo iyo Labi-dulle oo koonfurta ka xiga magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamada dagaalka ka dhacay Shabeellaha Hoose ee dagaalka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Cali Daahir Mataan iyo Captain Cabdirashid Maxamed Nuur oo kamid ahaa saraakiishii hogaamineysey ciidankii xaley ay Shabaab kusoo weerareen Bariire iyo Awdhegle.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post