906 Views

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland “Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa Waa Riyo Maalmeed aan Rumoobeyn”.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland “Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa Waa Riyo Maalmeed aan Rumoobeyn”.
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –-2020—Wasiir Ku xigeenka Arimaha Dibbada Somaliland Liibaan Yuusuf Cusmaan ayaa jawaab ka bixiyay Wararka ku aadan in Madaxweyne Farmaajo uu booqan doono Magaalada Hargeysa.

 

Waxaa uu sheegay in Wararkaasi ay yihiin been abuur, islamarkaana Madaxweyne Farmaajo uusan imaan doonin Hargeysa.

 

“Booqashada Farmaajo ee Magaaladda Somaliland gabi ahaanba waa Riyo maalmeed & Howl aan macquul aheyn !!. Go’aanka dowladnimo ee SL wuxuu u taagan yahay ilaalinta jiritaankiisa iyo  degenaanshaha ” ayuu yiri Liibaan Yuusuf Cusmaan Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland.

 

Wasiir Kuxigeenka ayaa qoraal uu asxaabtiisa kula wadaagay barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxaa uu ugu mahadceliyay shacabka reer Somaliland…

 

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka reer Somaliland ee wadaniyadda iyo feejignaanta badan.” Ayuu yiri Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, Liibaan Yuusuf Cismaan.

 

Geesta kalena Xukuumada Muuse Biixi Cabdi ayaa beenisay wararka xusaya in Golaha Wasiiradda maamulkaas ay ka shireen socdaalka madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Abiy Axmed.

 

Jamaal Maxamed, xoghayaha wasiirada maamulka Hargeysa, oo qoraal soo dhigay Facebook, ayaa waxbo kama jiraan ku sheegay warkaas.

 

“Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland wax shir ah oo ku saabsan Imaatinka Farmaajo ee Hargeysa ma aysan yeelan,” ayuu yiri.

 

Wuxuu intaas ku daray: “Warka baraha bulshada lagu qoray ee sheegaya in Goluhu shiray waa war aan sal iyo baartoonna lahayn oo aan waxba ka jirin”.

 

“Muwaadiniinta Somaliland sidaas ha ula socdaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xoghaye Jamaal Maxamed.

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si adag uga soo horjeestay Warar sheegayay saacaddihii lasoo dhaafay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu tagaayo Magaalada Hargeysa.

 

Waxaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani.

 

Waxaa ay Tani  meesha ka saareysa sheegashooyinka ku saabsan in Wasiirada Somaliland ay ogolaadeen safarka Farmaajo iyo Abiy…

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment