1242 Views

Sawirro:-Danjiraha Somalia U Joogi Doona Dalka Zambia Iyo Ururka COMESA Oo La Magacaabi Doono

Sawirro:-Danjiraha Somalia U Joogi Doona Dalka Zambia Iyo Ururka COMESA Oo La Magacaabi Doono
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 15, 2019 –DFS  ayaa la filayaa inay sida ugu badan u soo  magacaabi doonto Danjiraha u joogi doona dalka Zambia, isla markaana noqon doona  Wakiilka Joogtadda ee Somalia u jooga Xarunta Dhexe ee Suuqa Guud ee dalalka Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA oo  ku taalla caasimadda dalka Zambia.

Qoraal lagu soo daabacay Websaytka COMESA ayaa arrintaasi lagu shaaciyey, kadib, markii  uu Hawl-fuliyaha Safaaradda Somalia ee magaalladda Luzaka, Axmed C/raxmaan Sheekh Nuur  u ukhadka Telefoonka kula hadlay Xoghayaha Guud ee Ururka COMESA, Marwo Jileshe Kapwepwe.

Hawl-fuliyaha iyo Xoghayaha Guud ee COMESSA waxay ka wada hadleen Is-dhexgalka Gobalka iyo  meelaha ay suurtogalka tahay ee maalgelinta Somalia.

Hawl-fuliyaha Safaaradda Somalia ee dalka Zambia, waxa uu tilmaamay inay Somalia danaynayso arrimaha Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Horumarinta Kaabayaasha.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment