1335 Views

Sawirro:-Dowladda Uganda Oo Ku Dhawaad 2,000 Oo Askari U Soo Diraysa Somalia

Sawirro:-Dowladda Uganda Oo Ku Dhawaad 2,000 Oo Askari U Soo Diraysa Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | April 11, 2019 – Hoggaanka Taliska Ciiddanka Uganda waxay shalay ansixiyeen in Somalia loo soo diro Ciiddamo tiradooda dhan tahay 1,800 Askari, kuwaasi oo qeyb ka noqon doonaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda, Jeneral David Muhoozi ayaa hadalkaasi kaga dhawaaqay Munasaabad lag uqabtay Xraunta Tababarka ee Taageeradda Hawlgalladda Nabadda ee SINGO oo ku taalla Degmadda Nakeseke ee dalkaasi.

Waxa uu tilmamay in ciiddankaasi dhawaan loo daabuli doono Somalia, si ay gacan uga geystaan La-dagaalanka Alshabaab iyo inay gacan ka geystaan soo-celinta Nabadda  iyo Deganaanshaha Somalia.

“Hawlgalka Somalia ma aha mid Jimcsi iyo Raaxaysi, waa xaallad dagaal” ayuu yiri Taliyaha Ciiddanka Dhulka ee dalka Uganda oo kula dardarmay ciiddanka inay la yimaadaan Dishibiliin iyo inay feejignaan dheeraad ah muujiyaan.

Dhinaca kale, Ciiddanka cusub ee Uganda u soo dirayso Somalia waxaa Taliye u ah Kolonel Kosiya Kuteesa, waxaana Ku-xigeenka u noqon doona Kolonel Rogeris Okiror.

Si kastaba ha ahaatee, Ciiddanka Uganda ayaa ah Ciiddanka ugu badan Hawlgalka AMISOM, waxayna tiradooda gaaraysaa in ka baadan 6,000 oo Askari.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment