741 Views

Mucaaradka Tanzania oo ka soo soo horjeestay xanibaadyo lagu soo rogey

Mucaaradka Tanzania oo  ka soo soo horjeestay xanibaadyo lagu soo rogey
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Hoggaamiye mucaarad ah oo reer Tanzania ah, ayaa sheegay inuu kasoo horjeesan doono shuruuc ay soo saarto Madaxweyne Samia Suluhu Hassan, kuwaasoo aan waafaq saneyn dastuurka.

Hoggaamiye Tundu Lissu, ayaa ka jawaabayey hadalo ay sheegtay shaley oo isniin aheyd Madaxweyne Samia Suluhu, iyadoo ku beegneyd boqol maalmood oo ay talada dalkaasi majaraha u haysay.

Waxey sheegtay Suluhu in dowladdeedu aaney oggolaan doonin in siyaasiyiintu ay ku qabtaan isku soo baxyo goob kabaxsan halka laga soo doortey.

Waxey intaa ku dartey iney haatan diiradda saareyso dibu dhiska dhaqaalaha dalka, iyadoo iska diidey iney u dhago raariciso dastuur cusub.

Lissu ayaa ku qorey barta bulshada ee twitter-ka, in Madaxweyne Samia ay xafiiska dalka loogga arrimiyo la wareegtay bishii March ee ina dhaaftey.

Markaa waxaa dhintey madaxweynihii iyada ka horeeyey John Magufuli, iyadoo uggu danbeyn lasoo baxey buu yiri wajigeedii dhabta ahaa ee ay in muda ah qarineysay.

Wuxuu intaa raaciyey hoggaamiyaha mucaaradka in aaney awoodin ayna aqbali doonin sii socoshada mamnuucidda aan sharciga aheyn ee ku wajahan dhaq dhaqaaqyada siyaasadeed, taasoo Madaxweyne Suluhu ay ka dhaxashey kaligii taliyihii ka horeeyey.

Hoggaamiyaha mucaaradka, kaasoo ah siyaasi ay si weyn isaga soo horjeedeen madaxweynihii hore, ayaa in muda ah dibad joog ahaa, illaa iyo intii la isku dayey in la qaarajiyo sanadkii 2017-kii.

Wuxuu ahaa dadka uggu naqdinta badan Madaxweynihii hore ee Magufuli, kaasoo si weyn looggu eedeeyey inuu gacan bir ah ku qabtey mucaaradka dalka, isagoo bartilmaameed sadey siyaasiyiinta kasoo horjeeda, dadka arrimaha bulshada u dhaq dhaqaaqa iyo saxaafadda wax naqdisa.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post