1950 Views

MAAMULLADA LOO DHISAY INAY SHABAABKU JIRAAN & CIDDA DHISATAY !

MAAMULLADA LOO DHISAY INAY SHABAABKU JIRAAN & CIDDA DHISATAY !
____________________________________________________________________________

FAALLO

Toronto | March 3, 2020 | Duulka yiraahda magaalada Muqdisho maxaa nabadda u diiday oo dowladan ama kuwii ka horeeyayba ugu caalwaayeen waxay tahay su’aal u baahan in la is waydiiyo, waxaa kale oo jira qolo kale oo ogayd in Maamulladii hore iyaguba dhibkaan haystay oo cadawgu mar walba bartilmaameed u ahayd waxyeelaynta madaxa Dalka oo ah Caasimmadda Muqdisho.

Ciidan kasta oo la diyaariyo iyo agab kasta oo la siiyo iyagoo aan waxba hagran waxaa jirta in cadaw la nool Soomaalida uu mar walba jilaafooyin u dhigayay dad badan oo aan waxba galabsana waqti dheer ku gumaadayeen inta ugu badan falalkaasina lagu fulinayay ama lagu fuliyaba magaalada Muqdisho, hadaba yay yihiin Cadawgaas:

AHLU SUNNA
Aasaaskii urur diimeedka Ahlu Sunna waxaa fikirkiisa lahaa maamulkii Tigreega iyadoo ulajeedada laga lahaa ay ahayd in xadka gobollada dhexe la leeyihiin Itoobiya looga ilaaliyo inay kooxaha argagixisada ahi u gudbaan, si ay taasi ugu suurta gashana hubeeyeen kooxdii Sufo.

Waqti dheer oo la waqti ah Sufo ayay jirtay kooxdan Shabaabku, hase yeeshee dagaal dheer oo ay la gashay iyagoo taageero ka helaya Tigreega kooxdii Sufo waxay ka fogeeyeen Shabaabka dhanka xuduuda itoobiya iyagoo kooxdii Shabaabku saldhigatay dhanka xeebaha & Bariga Galmudug Xarardheere, Ceelbuur, Ceeldheer & Galhareeri oo ah afarta Degmo ee ay ilaa maanta ku sugan yihiin kooxahaasi.

Maadaama uusan jirin Ciidan xooggan oo Soomaaliya leedahay waxaa suurtageli waysay in lala dagaalamo Shabaabka dhulkaas ku sugan iyadoo sidoo kale aysan suurtagelin in ciidan iska abaabula goboladaas dhexe ka dhasha maadaama Sufo ay ahayd awood ciidan oo dhulkaas joogtay.

Dhismihii maamulkii Galmudug ee Dowladdii Federaalka Madaxwayne Xasan Sheekh oo ahayd fikir suurtagelin karay in maamul xoogan halkaa ka dhismo waxaa hor istaagay Sufo oo ay dabada ka riixayeen Tigreegu, waayo waxay ogaayeen haduu maamulku dhismo ciidanka la dhisayo inuu beegsan doono dhulalka ay ku sugan yihiin shabaabku firxadka shabaabkuna ay suurtageli karto in qaarkood ama badankoodu xadka ka talaabaan, si aysan taa u suurtagelina Tigreegu kula taliyeen Sufo inay hor istaagto maamul Galmudug oo xoogan Shabaabkuna dhulkooda cabsi la’aan & nabad ku joogaan korna ka ilaaliyaan, maadaama ay sirdoon kubdhex lahaayeen.

Maamulkii ku xigay ee Madaxwayne Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) wada shaqaynta Sufo iyo Galmudug waxay shuruud uga dhigeen inay dhismihii dastuuriga ahaa bedelaan, iyagoo ogaa inuu noqon doono maamul kale oo aan heshiis lagu ahayn oo aad uga jilcan kii hore aakhiritaankiina ku dhamaaday in lagu kala tago.

Dhismihii ugu dambeeyay ee hadda iyagoo wax walba ogolaaday heshiis wadahallo dheer oo dowladda Federaalka madaxdooda sare kula jirtay oo xitaa Xildhibaannadii loo ogolaaday inay soo xusheen ayay saacadihii ugu dambeeyay maamul kale ku dhawaaqeen, waa isla xirfaddii lagu yaqaanay ee yaan wax adag la dhisin, taasoo noqotay tii soo afjartay jiritaankii Sufo ee 12 kii Sanno la soo dhaafay

MAAMULKA JUBBALAND
Waxa uu maamulkan ka kooban yahay 3 gobol Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe & Gedo inta uu maamulkaasi dhisnaa waxaa jirtay in uu ku koobnaa Maagaalada Kismaayo, gobolka Gedo oo Xuduud la leh labada dalna ay mar walba dagaal ku hayeen labada dal iyagoo ciidammadooda toos ula soo gala gobolkaas ama ay cirka ka weeraraan, hase yeeshee Gobolka Jubbada dhexe waxaa jira ganacsi Axmed Madoobe maamulkiisa iyo Kenya kala dhexeeya Shabaabka ee Dhuxusha iyagoo looga bedesho lacag iyo hub ay falalka argagixisada ku fushadaan iskuna difaacaan.

Gobolka Jubbada Dhexe waxaa ku sugan madaxda Sare ee Shabaabka iyagoo halkaas ku haysta wax alaale wixii tasiilaad ah ay ku fulin karaan qaraxyada ay gaystaan magaalada Muqdisho iyagoo haysta sirdoon, isgaarsiin iyo gaadiid isku xira ilaa xadka gobolka Banaadir.

Dib u habayntii Ciidanka Soomaaliya iyo dhaqaaqa Ciidan ee Gobollada Maamulka Koonfdur Galbeed waxay ku abuurtay Kenya cabsi ah in awood ciidan ku soo socoto dhanka Jubbooyinka waana tan keentay ciidan Jubbaland ka socda oo ay dabada ka riixayso Kenya dagaal ku soo qaadaan gobolka Gedo.

Gabagabadii Kooxdii Sufo oo meesha ka baxday waxay cabsi ku abuuri doontaa Shabaabka gobollada dhexe, ciidanka xoogga ee ku sugan gobolka gedana waxa uu isagana shaki gelin doonaa jiritaanka xaruumaha Shabaabka ee Jubbooyinka oo waqti dheer ahaa dhul aysan cabsi ku qabin, shabaabkuna firxan doonaan abaabulkooduna yaraan doono.

Mustafa Salad Awale

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment