960 Views

Gudiga Gaadiidleyda Xamuulka ah ee Gobolka banaadir oo cabasho u gudbiyay Raisal Wasaare Rooble

Gudiga Gaadiidleyda Xamuulka ah ee Gobolka banaadir oo cabasho u gudbiyay Raisal Wasaare Rooble
____________________________________________________________________________

Talaado: October 26, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble  ayaa  kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka iyo hay’adaha amniga Dalka.

Kulankaan oo daarnaa cabashooyin ka yimid Gudiga gaadiidleyda Xamuulka ah oo ku aadana in  jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado gaadiidka xamuulka ee badeecooyinka geeya kana soo qaada dekadda Muqdisho.

Sidoo kale Gaadiidka xamuulka ee dekada ka sooqaada badeecooyinka ayaa sababa jaam iyo cirriiri dhanka jidadka ah waxa uuna Ra’iisul wasaaruhu faray Wasaaradaha Dekadaha, Daadiidka in jidadka loo furo caqabadahana laga hor qaado.

Dhinaca kale gaadiidka wawayn ee ka soo qaada Xamuulka Dekada Muqdisho ayaa cabashooyinka ay wadaan waxaa kow ka ah in Wadooyinka Muqdisho maalin iyo habeen aan la mari Karin Saxmad iyo dhagaxyo meel kasta yaala.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post