810 Views

Maxaa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS?

Maxaa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS?
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray walaac ay muujinayeen Siyaasiyiinta u hanqal taagaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya qaar kamid ah Xubnaha Beesha Caalamka ee taageeraya Soomaaliya,kaas oo ku saabsan in Madaxda Dowladda Federaalka ay sameystaan muddo kororsi.

Siyaasiyiin badan ayaa aamisan in Madaxda Dowladda Federaalka ay qorsheynayaan in doorashada aan waqtigeeda lagu qaban,iyada oo marmarsiiyo laga dhiganayo Cudurka Coronavirus oo kiisas kamid ah laga helay Soomaaliya iyo Arrimo kale.

In kastoo Madaxda Dowladda ay sheegeen in doorashada ay waqtigeeda ku qabanayaan ayaa hadana waxaa jira Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin qaba in Xukuumadda Soomaaliya ay ka gaabisay waxyaabihii muhiimka u ahaa in doorashada Soomaaliya waqtigeeda lagu qabto.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre Saadaq Cabdullaahi Cabdi oo Risaala la hadlay ayaa sharaxaya waxa keenay walaaca laga qabo muddo kororsi ay sameystaan Madaxda DFS.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment