1767 Views

Layaabka:- Maalinta Jacaylka Oo Loo Bedeli Doono Maalinta Walaasha ‘Sister’s Day’

Layaabka:- Maalinta Jacaylka Oo Loo Bedeli Doono Maalinta Walaasha ‘Sister’s Day’
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 18, 2019 –Jaamacadda Beeraha ee magaalladda Faysalabaad ee dalka Pakistan  (The University of Agriculture in Faisalabad (UAF) waxay magac-bedel ku sameeyeen Maalinta Jacaylka  (Valentine’s Day) oo ay dalalka Reer Galbeedka u dabaal degaan bisha Feberaayo 14-da ee sannad kasta.

Magac-bedelkaasi ayaa la doonayaaa in Dhallinyaradda Mulslimiinta in lagu dhiiri-geliyo  Dhaqanka Islaamka, lagana weeciyo Dhaqanadda Reer Galbeedka ee ku aadan Maalinta Jacaylka.

Jamaacadda  (The University of Agriculture in Faisalabad (UAF)  oo ku taalla Bartamaah Gobalka Punjab ee dalka Pakistan waxay qorsheynayaan  in marka la gaaro maalinta 14-ka Feberaayo inay inay  Gabdhaha Ardayda ah u qeybiyaan Qamaar ama Masar iyo Shaal, si loo muujiyo Xushmadda loo hayo Haweenka.

Ku-xigeenka Hormuudka Jaamacadaasi, Zafar Iqbaal waxa uu Websaytka Jamaacadda soo dhigay qoraal uu ku qoray in dhaqankeenna na barayo inay  Haweenka yihiin kuwo karti ama awood leh, loona baahan yahay in iyaga loo xushmeeyo sida Gabdho kula dhashay (Abaayo), Hooyooyin, Xaasas iyo Gabdho la dhalay oo kale.

“Waxaan illowaynaa Dhaqankeenna, iyadoo Dhaqanka Reer Galbeedka u muuqda mid qaadanaya asaaska bulshadeenna” ayuu sii raaciyey.

Afhayeenka Jaamacadda Beeraha ee magaalladda Faysalabaad ee dalka Pakistan, Qamar Bukhaari waxay sheegtay inay Maamulka Jamaacadda qorsheynayaan inay  ugu yaraan 1,000 qamaarka ama Madax-saarka ay Haweenka Muslimiinta hagoogtaan  ugu deeqaan Gabdhaha Ardada ee dhigta Jaamacadaasi, kuwaasi oo tiradoodu dhan tahay 14,000 oo Arday.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment