633 Views

Xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran oo gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray

Xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran oo  gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray
____________________________________________________________________________

 April 12-4-2021

Xarun nukliyeer oo ku taal waddanka Iiran ayaa gebi ahaanba hakad gashay maalin un kaddib markii xariga laga jaray sida uu sheegay sarkaalka arrimaha nukliyeerka ugu sareeya ee dalkaasi.

Cali Akbar ma uusan sheegin cidda ay ku eedeynayaan “weerarka argigixiso” ee sababay in maalintii Axadda ay danto quwadda tamarta ee xarunta nukliyeerka ee Natanz ee Magaalada Tehran.

Warbaahinta maxalliga ee Israa’iil ayaa soo xigatay ilo wareedyo sirdoon oo sheegay in xarunta nukliyeerka ay dantay kaddib markii Israa’iil ay geeysatay weerar dhanka Internetka.

Illaa iyo hadda Israa’iil si toos ah ugama aanay hadlin dhacdadaasi.

Maalmihii ugu dambeeyay Is’raail waxay ka digaysay barnaamijka nukliyeerka ee Iiraan.

Dhacdadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay socdaan dedaalo diblumaasiyadeed oo lagu doonayo in dib loogu soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee Mareykanku uu ka baxay xilligii xukuumaddii Madaxweyne Donald Trump ee sanadkii 2018ka ay haatan dib u bilowdeen.

Maxay Iirsan sameysay?

Iiran ayaa jabisay xayiraadihii lagu soo rogay dhaqdhaqaaqyadeeda atoomiga ah ee sanadkii 2015-kii arrintaan oo jawaab u ah heshiiska uu ka baxay Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ee sanadkii 2018kii.

Labada dal ee Iiran iyo Mareykanka ayaa ku kala aragti duwanaadey wadahadaladii Vienna ee Usbuucaan ee la isugu dayayay in heshiiskii 2015-kii labada dhinac ay u hogaansamaan balse wax heshiis ah ma aysan gaarin oo waxaa dib loo ballamay usbuuca soo socda.

Madaxweynaha Iiran ayaa sheegay in tallaabada Iiran ay qaadday ee ay sare ugu qaadayso tayadeeda uranium-ka ay tahay mid nabdoon.

“Waxaan mar kale cadeynayaa in howlaheena nukliyeerka ay yihiin kuwo nabad ku dhisan islamarkaana aysan ahayn kuwo ujeedooyin milateri laga leeyahay, sida uu marar badan caddeeyay hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, marka la eego Islaamka iyo fahamkiisa, in la raadiyo hub wax gumaada ma aha wax ay Iiraan sameynayso, waxaan arki karnaa marka aad booqato Hiroshima and Nagasaki saameynta iyo halista tallaabadii khaladka ahayd ee ay Mareykanku ka qaadeen Japan”.

Wufuud ka socota Midowga Yurub iyo Ruushka ayaa sheegay in usbuucii ugu horreeyay ee doodaha ay ahaayeen kuwo wax ku ool ah. Laakiin Washington iyo Tehran waxay isku khilaafeen in laga baaran dago cunaqabateynta saaran Iiraan kuwo la qaadi karo iyo kuwo kale balse ay ku xirantahay oo keli ah hadii Iiraan ay u hogaansanaato heshiiskii nukliyeerka.

Farriin uu u diray xubnaha wadahadallada nukliyeerka ayaa Madaxweyne Ruuxasni waxaa uu ku sheegay in dalkiisa uu u hogaansami doono heshiiska balse la doonayo in kooxaha kale ay balamahooda fuliyaan.

“Heshiiskeenna waxa uu ahaa in aan qeyb ka noqono heshiiskan, taasi oo ah in aan la soo saarin, islamarkana idinka aad na siisaan qalabka aan u baahannahay, hay’adda shaqadeeda ma aha oo kali ah in ay wax kormeerto waxay leedahay shaqooyin kale, mid ka mid ah shaqooyiiinkeeda ayaa ah inay wax taageerto, ma jirto si aad u caawiseen Iiraan? Waa tan waxa aan hay’adda ka doonayno waa tan waxa aan ka doonayno dalalka warshadaha ku horumaray, waana tan waxa aan caalamka ka doonayno”.

Intii la eg yahay xaddiga uranium-ka Iiraan?

Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada nukliyeerka.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka uranium-ka ee Iiraan kororkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) – oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015.

Iiraan ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo oo keli ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka.

BBC

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post