2103 Views

RW Kheyre”Wasaarad kasta halbeegyadeeda shacabka waa ay ogaankaraan”

RW Kheyre”Wasaarad kasta halbeegyadeeda shacabka waa ay ogaankaraan”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 18, 2018 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shir Guddoominayay shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya, waxaana ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu ka jeediyay Khudbad  uu kaga hadlayay Xaaladda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in tilaabo wanaagsan horay loo qaaday,islamarkaana dowladda Soomaaliya ay sii laba jibaari doonto Hanaanka lagu horumarinaayo Soomaaliya.

Ra’isulwasaare Kheyre  ayaa yiri “Madaxweyne waxaan rabnaa adiga oo xafiiskaaga fadhiya in aad kumbutuutar gashid aad ogaatid wasaarad kasta halbeegyadeeda meesha ay marayaan, shacabka ay ogaadaan”.

Kheyre ayaa intaas ku daray “20 wasaaradood ayaa dakhli uruurin jirtay, maanta hal meel ayaa laga uruuriyaa, waana wasaaradda maaliyadda”.

Kulanka ayaa wali socda waxaana hadda jeedinaya khudbado kala duwan Golaha Wasiiradda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment