1404 Views

Wiil Yar Oo Macaashka Ugu Badan Ka Sameeyey Muuqaallo Uu Dhigay Barta Youtube-Ka

Wiil Yar Oo Macaashka Ugu Badan Ka Sameeyey Muuqaallo Uu Dhigay Barta Youtube-Ka
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 04, 2018–Wiilkaasi oo magaciisa lagu soo koobay Ryan, lana qariyey magaciisa oo dhamaystiran ayaa noqday Qofka ugu sarreeya ee macaashka ka hela Muuqaalladda Video-ga ee la soo dhigo Barta Youtube.

Muuqaaladda Video-ga ee uu Wiilkaasi soo dhigo Bartaasi ayaa la sheegay inay saacado gudaheeda ku daawadaan hal million oo qof, isla maarka uu soo Post-gareeyo Muuqaladaasi.

Wargeyska FORBES ee ka faallooda Arrimaha Dhaqaalaha aya qoray inuu wiilkaasi sannadkii hore noqday qofka ugu horreeya ee Youtube ka helay macaashka ugu badan, isagoo helay lacag dhan 22 million oo Dollar.

Wiilkaasi waxa uu inta badan soo bandhiga Muuqaaladda Carruurta jecel yihiin, isagoo adeegsada Bombalo ama Toys, taasi oo ay Malaayiin qof oo u badan carruur ku xiran yihiin, isla markaana ay daallacdaan hadba Video-yadda uu soo geliyo YouTube Channel.

 

 

Xigasho:  The Inquisitr

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment