1584 Views

Guddoomiyaha baarlamaanka ee Iran oo sheegay in dalkiisa uusan wax xog ah oo ku saabsan nukliyeerkeeda

Guddoomiyaha baarlamaanka ee Iran oo  sheegay in dalkiisa uusan wax xog ah oo ku saabsan nukliyeerkeeda
____________________________________________________________________________

Axad: June 27 2021

Guddoomiyaha baarlamaanka ee Iran ayaa sheegay in dalkiisa uusan wax xog ah oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerkeeda u gudbin doonin hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ee IAEA kadib markii uu meesha ka baxay heshiiskii ku saabsan arrintaas ee hay’adda kala dhexeeyay.

Wuxuu sheegay in Iran aysan hay’adda u gudbin doonin sawirrada ku saabsan warshadaha nukliyeerka Iran.

“Heshiiska wakhtigii uu ku ekaa waa laga soo gudbay, xogta la hayo ee ku aadan nukliyeerka looma gudbin doono hay’adda IAEA, sawirrada laga soo qaaday warshadaha nukliyeerka waxaa gacanta ku sii heyn doontaa dowladda Iran” ayuu yiri Maxamed Baqir Qaalib, sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha.

“Waxaan idiin xaqiijinayaa in heshiiskii oo ku ekaa saddex bilood haatan laga soo gudbay, markaa xogta kuma wareejin doono hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ee IAEA” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka, sida ay ku warrantay wakaaladda dowladda Iran ee Fars.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu intaas ku daray in la meel mariyay sharci la horkeenay baarlamaanka oo ku saabsanaa tallaabooyinka la doonayo in Iran cunaqabateynta looga qaado.

Sharcigan waxaa looga golleeyahay in dowladda lagu cadaadiyo sidii ay u xoojin laheyd barnaamijka Uranium-ka iyo sidii loo xaddidi lahaa kormeerayaasha ka socda Ha’yadda caalamiga ah ee atoomikada inay tegaan warshadaha nukliyeerka laga bilaabo 23-dii bishii Febraayo.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) waxay cabasho ka muujisay in Iran aysan dooneyn inay tixgeliso dalabkeeda ah in wakhti dheeraad ah lagu daro heshiiska.

Iran waxay Arbacadii sheegtay in codsiga uga yimid hay’adda ay go’aan ka gaari karaan oo kaliya ah golaha amniga qaran ee kacaanka Iran.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Anthony Blinken wuxuu Jimcihii sheegay in haddii Iran ay ku guuldareysato in hay’adda caalamiga ah ee tamarta atoomikada ay muddo ugu kordhin weyso heshiiska kala dhexeeyo uu ka dhalan karo walaac xooggan oo ku aadan in arrinta laga yeesho wadahadallo wax ku ool ah.

Hadalka kasoo baxay Iran waxay saameyn ku yeelan kartaa wadahadallada quwadaha waaweyn ay caalamka ku doonayaan in dib loo soo celiyo heshiiskii nukliyeerka ee lala galay Iran sanadkii 2015-kii.

Intii la eg yahay xaddiga uranium-ka Iiraan?

Iiraan ayaa hadda haysata in ka badan toban jeer xaddiga macdanta uranium-ka ee loogu oggolaa heshiiskii caalamiga ahaa, sida ay sheegtay hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada nukliyeerka.

Wakaaladda Caalamiga ah ee Tamarta Atoomigga (IAEA) ayaa sheegtay in keydka uranium-ka ee Iiraan kororkiisu uu gaadhay 2,105kg (4,640lb) – oo aad uga sarreeya 300kg oo ahaa intii lagu heshiiyay 2015.

Iiraan ayaa had iyo goor sheegta in ay xaq u leedahay in ay hesho tamarta nukliyeerka, waxaanay ku nuuxnuuxsataa in barnaamijkeeda nukliyeerku yahay mid nabadgelyo oo keli ah.

Arrintan ayaa timid kadib markii Iiraan ay fursad u siisay kormeerayaasha IAEA inay galaan mid ka mid ah laba goobood oo looga shakisan yahay inay horey uga kaydiyaan tamarta nukliyeerka.

Iran waxay leedahay dhowr xarumood oo nukliyeer ah iyo goobo qeyb ka ah hirgalinta hamigeeda barnaamijka nukliyeerka, sida: falceliyaha biyaha culus ee Arak, warshadda nukliyeerka Bushehr, macdanta Gashin uranium, warshad soo saarta uraniumka Isfahan, xarunta kobcinta uranium ee Fordo ee gobolka Qom , goobta militariga Parchin, iyo xarunta kobcinta uranium-ka ee Natanz.

Warshadda beekhaaminta yuuraaniyamka ee Natanz ayaa ah xarunta ugu weyn ee lagu kobciyo uranium-ka ee Iiraan. Waxay ku taal deegaanka Natanz, ee gobolka Isfahan ee Iiraan. Warshaddu waxay tayaynaysay uranium-ka tan iyo bishii Febraayo 2007.

Xaruntu waxay ka kooban tahay saddex dhisme oo waaweyn oo dhulka hoostiisa ah, oo awood-na u leh inay ka shaqeeyaan ilaa 50,000 ah mashiino kala soocaya waxyaabaha laga sameeyo niyukleerka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post