1077 Views

Xisbiga Sheekh Shariif Oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho

Xisbiga Sheekh Shariif Oo Cambaareeyay Qaraxii Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 24, 2019 —Xisbiga Himilo Qaran oo uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu War kasoo saaray Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir.

 

Xisbiga Himilo Qaran ayaa waxaa uu si adeg u Cambaareeyay qaraxaas ka dhacay hoolka shirarka maamulka Gobolka Banaadir,kaasi oo ahaa mid Ismiidaamin ah oo fulisay qof Dumar ahaa.

 

Sidoo kale Xisbiga  ayaa waxaa uu Alle uga baryay intii ku dhimatay qaraxaas inuu Janada ka waraabiyo,halka kuwii ku dhaawacmay Caafimad deg deg ah Alle uu siiyo.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka tacsiyaynayaa arrintii foosha xumayd ee galabta ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir. Iyadoo qarax lala beegsaday hoolka shirarka Dowladda Hoose. Qaraxaas inti ku dhimatay waxaan ilaah uga baryeynaa inuu Jannadiisa hoy uga dhigo, inti ku dhaawacantayna u booga dhayo.

 

Waxaan si adag u Canbaaraynaynaa falkaan iyo falalka kale oo maalmahaan kusoo badanaya Caasimadda Dalka iyo Magaalooyinka kale, waxaa looga hor tagi karaa arrimahaan, iyadoo hal meel looga soo wada jeesto  weerarada Al-shabaab ee dhibaatada ka soo gaarto Ummadda Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri Warka ka soo baxay Xisbiga Sheekh Shariif.

 

Qaraxii gelinkii dambe ee Maanta ka dhacay Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ku dhaawacmay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo Guddoomiyeyaal kale,waxaana ku dhintay 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Seddex Agaasime,waxaana qaraxaas sheegtay Al-shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment