1227 Views

Dowladda Japan Oo Lacag Ugu Deeqday Barnaamijka Ka-Hortaga Khataraha Miinooyinka Ee Somalia

Dowladda Japan Oo Lacag Ugu Deeqday Barnaamijka Ka-Hortaga Khataraha Miinooyinka Ee Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 12, 2019 –  Hadal-qoraal oo ka soo baxay Safaaradda Japan ee magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay inay Dowladda Japan ugu deeqday hal million oo Dollar Hay’adda QM ugu qaabilsan Miino-baarista ee (UNMAS).

Lacagtaasi ayaa la sheegay in loo adeegsan doono sidii wax looga qaban lahaa Khataraha miinooyinka ee ay dadka rayidka.

Dowladda Japan waxay sheegtay in  muhiimadda Kharajka ay ugu deeqeen Hay’adda QM ugu qaabilsan Ka-hortagga Miinooyinka ee (UNMAS) si loo yareeyo cabsida waxyaabaha qarxa  iyo in lagu taageerso  Ammaanka iyo Nabadda buuxda ee Somalia.

 

Afhayeenka Safaaradda Japan ee Nairobi waxa uu sheegay inay Dowladda Japan ka taageereen dadka Soomalaiyeed Adeegyadda Ka-hortagga Miinoooyinka, iyadoo Dhaqaalaha loo soo marsiiyo Hay’adda QM ugu qaabilsan Ka-hortagga Miinooyinka ee (UNMAS).

Waxa uu intaasi ku daray inay taageeradaasi muujinayso sida ay Dowladda Japan uga go’an tahay inay qaaraan ka geystaan Deganaanshaha Bulsho iyo Ammanaka Somalia.

 

Dhinaca kale, Dowladda Japan waxay sheegtay inay shantii sanno ee la soo dhaafay Hawlaha Miino-baarista Somalia ugu deeqeen lacag dhan 7.3 million oo Dollar.

 

 

 

 

 

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment