111 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u dhoofay dalka Eritrea

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u dhoofay dalka Eritrea
____________________________________________________________________________

ASMARA – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Ereteriya oo ay tababar gaar ah ku qaadanayaan qaar ka mid ah qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka Sida.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku qotoma adkaynta xiriirka labada dal, Kor u qaadidda iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo amniga Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya ahmiyada ay leedahay hirgalinta qorshaha muddo kooban dalka looga sifeynayo Khawaarijta ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Abdi Kaariye u xil saaray dardargelinta iyo hagida halganka Al-Shabaab looga ciribtirayo deegaannada Galmudug, Madaxweynaha ayaa safarka kaddib halkiisa ka sii waddi doono hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post