1578 Views

Turkiga oo Kenya ka iibinaya baabuurta gaashaaman ee dagaalka ee Xabada iyo Qaraxa aan karin

Turkiga oo Kenya ka iibinaya   baabuurta gaashaaman ee dagaalka ee Xabada iyo Qaraxa aan karin
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Shirkad sameysa baabuurta dagaalka oo laga leeyahay Turkiga ayaa sheegtay in Kenya ay ka iibineyso 118 kamid ah baabuurta gaashaaman ee dagaalka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee dowladda Turkiga ee Anadolou.

Shirkadda Katmerciler waxay sheegtay inay xoojineyso galaangalka ay ku leedahaya qaaradda Afrika.

Katmerciler waxay sheegtay in Kenya ay noqoneyso dalka saddexaad ee ka tirsan caalamka ee la qaadanayo baabuurta gaashaaman ay soo saarto shirkadda isla markaana qorshahaas uu ahaan doono mid qaata in ka badan 2 sano.

“Gawaarideenna gaashaaman ee Hizir 4×4 si weyn ayaa looga amaanay guud ahaan Afrika, waxaan sii ballaarineynaa galaangalankeena Afrika” ayuu yiri Furkan Katmerci, oo ah ku xigeenka guddoomiyaha shirkadda, sida laga soo xigtay Anadolou.

Warbaahinta Kenya ayaa tebisay bishii January ee sanadkan in wasaaradda gaashaandhigga ee Kenya ay Turkiga ka iibsaneyso 118 kamid ah gawaarida gaashaaman ee dagaalka.

Kenya waxay sheegtay in tallaabadan ay uga golleedahay inay ku xoojiso howlgallada ay ciidamadeeda ka fuuliyaan Soomaaliya ee ka dhanka Al Shabaab.

Turkiga ayaa sidoo kale Soomaaliya ka caawiya tababarada ciidamada si amniga dalka ay si buuxda ula wareegaan, wuxuu sidoo kale hubka iyo gawaarida gaashaaman ee dagaalka ugu deeqay Soomaaliya.

Turkiga ayaa ciidamada Soomaaliya tababar ku siinayay xerada TURKSOM tan iyo sanadkii 2017, kadib heshiis milateri oo ay kala saxiixdeen labada waddan.

Turkiga ayaa rajeynaya in Soomaaliya uu u tababaro illaa 15 kun oo askari, si ciidamada xoogga dalka ay ula wareegaan ammaanka waddanka ay colaaddu ragaadisay.

Ujeedka laga leeyahay ciidamadaas ayaa ah in ay sugidda ammaanka dalka kala wareegaan ciidamada AMISOM oo lagu waday in sanadkan 2021 ay billaabaan qorshaha ay uga baxayaan dalka.

Xooggaga Al-Shabaab ayaa ah khatarta amni ee ugu weyn ee xilligan haysata Soomaaliya, waxaana ururkaas uu doonayaa in dalka uu ka hirgeliyo dowad ku dhaqanta Shareecada Islaamka qaabka ay iyagu u rabaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post