231 Views

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre caasimadda Qaahira kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli,

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre caasimadda  Qaahira kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas Mustafa Madbuuli,
____________________________________________________________________________

Talaado: Jannaayo 2023

Ra’iisal Wasaaraha Dawlad Federaalka ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maalmihii u danbeeyey safar shaqo ku joogay caasimadda dalka Masar ee Qaahira, halkaas oo uu kula kulmay Ra’iisal Wasaaraha dalkaas oo lagu magacaabo Mustafa Madbuuli, iyaga oo kala saxeexday heshiisyo kala duwan oo isugu jira dhinacyada waxbarashada, warfaafinta, diinta iyo awqaafta iyo dhaqanka.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen “sare u qaadista xiriirka iyo xoojinta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee u dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Masar, iyada oo Masar ballanqaadeyso inay Soomaaliya ku garab istaagto dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya”, sida uu baahiyay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Dauud Aweys oo safarkaasi qayb ka ahaa ayaa waxa uu u sheegay BBC-da inmaalmaha soo socda uu halkaas joogi doono Raisal Wasaaraha Dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post