1014 Views

Jasiiradda ugu yar dunida oo ay ku nool yihiin 11 qof oo kaliya ah. Kuna taala Dalka Talyaaniga

Jasiiradda ugu yar dunida oo ay ku nool yihiin 11 qof oo kaliya ah. Kuna taala Dalka Talyaaniga
____________________________________________________________________________

June 20 2021

 Waxaan halkan idiin kuugu soo gudbineynaa sheekada ku saabsan jasiiradda ugu yar dunida oo ay ku nool yihiin 11 qof oo kaliya ah.

Jasiiradda Tavolara waxaa ka taliyaa boqor waxaana loo yaqaanaa boqortooyada Tavolara , waxay masaafo ahaan ku fadhidaa 5 kiiloomiitar.

Waa jasiirad yar oo ku taalla badda Mediterranean-ka oo u dhaw gobolka Sardinia ee dalka Talyaaniga, waa jasiirad soo jirtay tan iyo markii Talyaaniga aanan loo aqoonsanin dal.

Waxaa jasiiraddan ka taliyaa boqor lagu magacaabo Antonio Bartalioni, xitaa marka aad booqato waxaa adag in aad aqoonsato boqorka maadama aadan ku arkeyn astaamo gaar ah oo muujinayo boqornimadiisa, kumana labisna dhar gaar ah oo muujinayo boqornimadiisa.

Dalalka kale ee lamidka ah jasiiradda Tavolara

Tonga- Waa dal ku yaalla badda Pacific, wuxuu masaafo ahaan ku fadhiyaa 748 kiiloomiitar, waana dal uu u sahan tagey kaptan James Cook sanadkii 1773, wuxuu ninkan ugu magac daray dalkaas ‘Jasiirada saaxibtinimada.

Dadkii degenaa halkaas ayaa doonayay inay dilaan James Cook.

Brunei- Wuxuu masaafo ahaan ku fadhiyaa ​​5,765 Kiiloomiitar, waxaa ku nool dad gaaraya 4,13,000 qof.

Dadka halkan ku nool lagama qaado wax canshuur ah, Suldaanka ka arrimyo Brunei wuxii kamid yahay dadka ugu taajirsan dunida.

Tavolara- Wuxuu dalkan ku fadhiyaa masaafo dhan 5 Kiiloomiitar, waxaa ku nool 11 qof oo kali ah.

Boqorka halkan ka taliyo oo la yiraahdo Antonio Bartalioni ayaa maamulaa maqaaxida kaliya ah ee ku taalla jasiiraddan.

Swaziland- Waa dal yar oo ku yaalla Afrika, wuxuu masaafo ahaan ku fadhiyaa 17,363 Kiiloomiitar, quruxda iyo bilicda wanaagsan uu leeyahay dalka waxaa loogu magacdaray dalkii quruxda badnaa.

Lesotho- Wuxuu dhacaa koonfurta Afrika, masaafo ahaan wuxuu ku fadhiyaa 30,000 Kiiloomiitar, waxaa ku nool 2 malyan oo qof.

Boqorka Tavolara

Boqorka Tavolara wuxuu sanadkan u dabaaldegayaa xuska 180 sanoguuradii kasoo wareegtay aasaaska jasiiraddan.

Dadka ku nool jasiiraddan iyo boqorkaba waxay mas’uuliyad weyn iska saaraan xuska munaasabadda oo looga hadlayo taariikhda jasiiradda iyo jiilashii soo maray.

Sida laga soo xigtay boqor Antonio Bartalioni, soddogii Giuseppe Bartalion, wuxuu kasoo qaxay Talyaaniga sanadkii 1807 kadib markii uu guursaday labo gabdhood.

Xilliggaas Talyaaniga looma aqoonsaneyn dal, waxaana kama mamnuuc ahaa in halkaas lagu guursado labo gadbdhood, wuxuu usoo cararay jasiiraddan oo uu nolol cusub ka bilaabay.

Heshiis nabadeed

 

Boqorka Tavolara wuxuu heshiis nabadeed la galay dalal badan, waxaa kamid ahaa shakhsiyaadka uu heshiiska la saxeexday Garibaldi oo ahaa aasaasihii Talyaaniga.

Kadib wuxuu heshiis kale la saxeexday boqorkii gobolka Sardinia, Vittorio Emmanuel II, kaas oo ku saabsana xoojinta amniga sanadkii 1903.

Ciidamada Nato

Maamulkii gaarka ahaa ee jasirradda Tavolara ayaa soo afjarmay markii ciidamada gaashaanbuurta Nato ay saldhig ka sameysteen halkan.

Cidna looma ogoleyn inay soo gasho ama ka baxdo jasiiradda , Talyaaniga weliggiisa jasiiraddan uma uusan aqoonsan inay ka tirsaneyd dhulkiisa.

Man jirin dal aqoonsaday Tavolara, boqor Antonio Tavalara iyo qoyskiisa waxay xilliggaas jasiiradda kaga baxeen dooni dalxiis oo ka timid dhinaca Talyaaniga.

Laakinse waxay mar kasta booqasho ku yimaadaan jasiiradda si dusha ay ugala socdaan nooc kamid ah ariga lagu dhaqdo halkaas oo laga cabsi qabo inuu dabar go’o.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post