504 Views

Wasiirka Gaashaandhigga oo Mareykanka & Midowga Yurub kala hadlay dib u dhiska Ciidamada

Wasiirka Gaashaandhigga oo Mareykanka & Midowga Yurub kala hadlay dib u dhiska Ciidamada
____________________________________________________________________________

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya  C/qaadir Maxamed Jaamac ayaa kulanka la qaatay Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iyo saraakiil katirsan Safaaradda, waxayna kawada hadleen horumarinta iyo dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo la-dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.

Kulankaan ayaa waxaa ku sugnaa agaasimaha Guud ee wasaaradda Gaashaandhigga iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo Ku-simaha Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Colleen Crenwelge iska xog wareystay xaaladaha Ciidamada Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la yeeshey Ciidanka Howl-galka Tababarka Midowga Yurub oo qeyb weyn ka qaata dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka , isaggoo warbixin kooban ka dhageystey waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshahooda mustaqbalka.

Soomaaliya ayaa waxaa jira dalal badan oo ka caawiya dhismaha Ciidamada, balse aysan weli ku guuleysan in Ciidamada dowladda ku filnaadaan Ammaanka guud ee dalka Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post