975 Views

Axmed Madoobe oo kulamo ka bilaabay Garoowe

Axmed Madoobe oo kulamo ka bilaabay Garoowe
____________________________________________________________________________

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa hoygiisa ku booqday Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo maanta booqasho ku tegay Garoowe.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland , Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo uu wehliyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland  Axmed Cilmi Cismaan ( Karaash) ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam oo booqasho ku tegay Garoowe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa la filayaa in uu kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha Puntland, iyaga oo ka wada hadli doonaan arrimaha doorashada Golaha Shacabka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post