1131 Views

Hoggaamiyaha militariga Myanmar oo sheegay in maxkamad soo taagi doonaan Aung San Suu Kyi.

Hoggaamiyaha militariga Myanmar oo sheegay in maxkamad soo taagi doonaan  Aung San Suu Kyi.
____________________________________________________________________________

May 22 2021

Hoggaamiyaha militariga afganbiyay dowladda Myanmar General Min Aung Hlaing ayaa maanta oo Sabti ah sheegay in dhowaan ay maxkamad soo taagi doonaan hogaamiyihi hore ee dalkaas Aung San Suu Kyi.

Wareysigii ugu horreeyay ee uu bixiyo Hlaing tan iyo markii uu inqilaabay xakuumaddii Aung San Suu Kyi 1-dii bishii February ayuu ku sheegay in Suu Kyi iyada oo caafimaad qabta ay ku sugantahay gurigeeda, maalmo kooban gudahoodna ay ku wajahi doonto maxkamad.

Wareysiga Hlaing ayaa Sabtida laga sii daayay Telefishanka Phoenix oo ah TV laga leeyahay Shiinaha.

Afganbigi ka dhacay Myanmar ayaa sababay dhimashada boqolaal qof oo rayid ah oo ka qeybgalay mudaaharaadyo looga soo horjeeday awoodda millatariga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post