2910 Views

Puntland oo xukuntay nin kufsaday Gabar yar

Puntland oo xukuntay nin kufsaday Gabar yar
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | May  10, 2017 –Maamulka Puntland oo ka mid ah Maamulada ka jira dalka ayaa maanta Maxkamad soo taagay nin magaciisa lagu sheegay Bashiir C/Qaadir, kaasi oo kufsaday Gabar yar oo 13 sano jir ahayed.

Maxkamadda Magaalada Burtinle ee Maamulka Puntland ayaa Bashiir C/Qaadir ku xukuntay 5 sano oo xabsi ah kadib markii lagu helay in uu kufsaday Gabadhan yar.

Sidoo kale Bashiir ayaa Maxkamaddu waxa ay ku xukuntay Saddex Milyan oo Shilling Soomaali ah iyo 44 Neef oo Ari ah, sida ay sheegeen masuuliyiinta Maxkamadda.

Rag kale oo ay ku socotay baaris la xiriirta kufsigan ayay sii deysay Maxkamadda, kadib marii lagu waayay dambigii lagu soo eedeeyay, waxaana ugu dambeyn ay beenisay warar ay qoreen warbaahinta qaar oo ahaa in kiiska kufsigan uu ahaa mid aargoosi ah oo horay uga dhacay degaankaas.

Wasiirka Haweenka Maamulka Puntland Anisa C/qaadir ayaa horey u sheegtay kufsiga in uu dhibaato ba’an ku hayo Gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, loona baahan yahay in wax laga qabto.

Inta badan Degaanada Puntland waxaa ka dhaca falalka nuucaan oo kale ah, ee kufsiga oo dad wax magarata ah ay kula dhaqaaqaan Hablo Soomaaliyeed.

 

W/Q:-BASHIIR BARRE ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________

 

..

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment