984 Views

Madaxweyne Deni oo Dallacsiisay Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno Galkacyo

Madaxweyne Deni oo Dallacsiisay Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno Galkacyo
____________________________________________________________________________


Jimco: September 10, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu abaalmarinayo Ciidamadii iyo Masuuliyiintii kale ee ka qayb qaatay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuu dalacsiiyey  Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug isagoo sidoo kalena Abaalmarino guddoonsiiyay Guddoomiyaha Gobolka Mudug iyo Kan Degmada Gaalkacyo.

Gobolka Mudug ayaa waxaa ku yimid isbedel weyn oo dhinaca Amniga iyo Horumarka ah tan iyo markii Puntland ay ka fulisay howlgalo amniga lagu sugayo.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in Dowladd iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Waxaa uu soo saaray Siciid Cabdullaahi Deni Xeer Madaxweyne Lr.25 ee september 9, 2021, kuna saabsan Daslacsiin saraakiil iyo saraakiil xigeeno ka tirsan Ciidanka Dowlad Goboleedka Puntland kuwaasi oo ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post