339 Views

Kooxda Gaadiidka oo muddo dheer kaddib qaadday Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya

Kooxda Gaadiidka oo muddo dheer kaddib qaadday Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Sabti: OCTOBER 29, 2022

Kooxda Gaadiidka oo sidoo kale loo yaqaanno Otoparka ayaa galabta qaadday koobka Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Sanadkii 1989 ayay ahayd markii ugu dambeysay ee ay kooxdan koobka qaaddo.

Kooxda ayaa dabaaldeg weyn ka sameeyay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow oo hore loo oran jiray Koonis.

Cayaartan galabta ayay Gaadiidka la yeesheen Jasiira. Qeybtii hore cayaarta ayaa labo gool laga dhaliyay Jasiira, halka qeybta labaadna ay ugu dareen labo gool oo kale, sidaas ayayna Gaadiidka afar gool uga badiyeen kooxda Jasiira.

Horyaalkan 2021-2022 ayay kooxda Gaadiidka sidaas ku qaadeen koobka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post