1005 Views

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland oo  Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland
____________________________________________________________________________

May 20 2021

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Guddi u magacaabay qaban-qaabada aaska Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire.

Guddigan oo ka kooban 9-xubnood ayaa kala ah.

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Cawil Shiikh Xaamud (Guddoomiye )

2. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Siciid Cismaan Aadan (Xubin )

3. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Jaama Faarax Xasan (Xubin)

4. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Cabdi Ibraahin Warsame Qawdhan (Xubin)

5. Agaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Agaasimaha Cabdiweli Cali Cabdulle Timacadde ( Xubin )

6. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere (xubin)

7. Taliyaha Ciidanka Booliiska S/ Guuto Cabdi Xasan Xuseen (Xubin)

8. Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Maxamed (Xubin)

9. Guddoomiyaha Degmada Garoowe Axmed Siciid (Axmed Barre ) (Xubin).

Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa saaka ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post