681 Views

Booliska Gaalkacyo oo rasaas ku kala Eryay banaanbaxayaal

Booliska Gaalkacyo oo rasaas ku kala Eryay banaanbaxayaal
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 20, 2021—Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta Magaaladaas waxaa Maanta ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar kamid ah Bulshada ku nool Magaalada, hayeeshee Ciidamo Boolis ah ayaa rasaas ku kala eryey banaanbaxayaasha.

Dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Hooyooyin sheegay in Carruutooda Dowladda Soomaaliya ay tababar Ciidanimo ugu qaaday dalka Ereteriya, iyaga oo sheegay in Carruurtooda ay nolol iyo geeri midna ku aheyn.

Banaanbaxayaasha ayaa taayaro ku gubay laamiga Magalada Gaalkacyo,  iyaga oo ka dalbaday Madaxda Dowladda iyo Madaxda Dowlad Goboleedka Galmudug inay Carruurtooda e tababarka loo qaaday ay meel ku sheegaan.

Intii uu socday banaannaxa ayaa waxaa goobta tegay Ciidamo ka tirsan Booliska Galmudug, kuwaas oo rasaas ku kala Eryay Hooyooyinkii dibadbaxa dhigayay.

Banaanbaxaan Maanta ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu halkaasi ku sugan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post