711 Views

Museveni & Bobi Wine yaa ku horreeya Codadka la tiriyay ee Doorashada Uganda?

Museveni & Bobi Wine yaa ku horreeya Codadka la tiriyay ee Doorashada Uganda?
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | January 15, 2021
—Dadka reer Yuganda ayaa shalay u codeeyay qofka ku habboon Madaxweynaha Dalka Uganda oo ay ku loolamayaan Madaxweynaha Xafiiska Joogta tan iyo 1986-dii ee Yoweri Museveni & fannaanka da’da yar ee Robert Kyagulanyi oo ku magac dheer Bobi Wine.

Internetka ayaa hawada laga saaray si aan loo qasin Doorashada, Dowladda ayaa ciidamo dheeraad ah dhigtay waddooyinka muhiimka ah iyo meelaha laga cabsida qabo in ay ka bilawdaan isku dhacyo salka ku haya Doorashada.

Haddaba, Maxaa intaas dheer oo ka cusub Doorashada Uganda 2021?

Codadka ilaa haatan la tiriyay waxa ay wararku sheegayaan in uu ku horreeyo Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Yoweri Museveni, waxaana si horudhac ah saakay uu guddiga doorashada gacanta ku haya uu shaaciyay in Kaguto uu ka codad badan yahay Wine.

Museveni ayaa helay 1,536,205 (Hal Milyan, Shan boqol, Soddon & lex kun, labo boqol iyo shan) codad ah oo u dhigma (65.02%), halka Robert Kyagulanyi (Bobi Wine) uu heysto 647,146 (Lex boqol, afartan & todobo kun, Boqol, afartan & lex) cod (27.39%), waxaana laga soo uruuriyay ilaa 8,310 oo goobaha codbixinta ah.

Guud ahaan goobaha la dhigay Sanaadiiqda Cod-bixinta waxa ay gaarayaan 34, 684, waxaana ku socda tirinta iyada oo si horudhac ah Guddiga Doorashada uu usoo gudbinayo natiijada, halka kala marayo & boqolley ahaan inta ay kala heystaan labada Musharax.

Guddiga doorashooyinka Uganda ayaa horay usii sheegay in natiijada loo diri doono xarunta tirinta codadka iyada oo intenet-ka guud ahaan dalka laga demiyay dalkaas, waxaana laga cabsi qabaa in isku dhac uu dhexmaro taageerayaasha labada musharax natiijo shaacinta kadib.

Simon Byabakama oo ah Madaxa guddiga ayaa sheegay in ay adeegsanayaan hannaan gudaha ah oo lagu gudbinayo natiijada, balse ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo la xiriira qaabka ay xogta isugu gudbinayaan iyaga oo aysan adeegsaneen Internet.

Madaxweynaha Uganda ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamada gaarka u tababan ee Booliiska ka saaray Soomaaliya, waxaana ay ku jiraan diiwaanka Ururka Midowga Afrika, ujeedka ciidankaas laga leeyahay waxa uu ku tilmaamay mid lagu xakameynayo ammaanka goobaha Doorashada.

Ajaanibta kunool Uganda oo ay qayb ka tahay Soomaalida ayaa casir liiqii Talaadada guryahaooda sii galay, maadaama welwel ay ka qabaan rabshado ka dhici kara Doorashada oo waxyeelo u geysan karta, sidaas awgeed ayay u qaateen go’aanka ay ku joojinayaan dhaq-dhaqaaqooda.

Doorashooyinka Uganda ee 2021: maxaad u baahan tahay in aad ka ogaato?

Museveni oo laga cabsi qabo in Doorashada Uganda uu u adeegsado Askar u diiwaangashan Midowga Afrika!

Yoweri Museveni oo Askar u diyaarsaday doorashada si uu u Wajaho Bobi Wine!

Museveni oo difaacay go’aanka lagu xiray baraha bulshada ka hor doorashada!

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post