939 Views

Saxmad badan oo ka jirta waddooyinka ka baxa caasimadda dalka Afghanistaan ee Kabul

Saxmad badan oo  ka jirta waddooyinka ka baxa caasimadda dalka Afghanistaan ee Kabul
____________________________________________________________________________

Isniin: August 16, 2021

Saxmad badan ayaa ka jirta waddooyinka ka baxa caasimadda dalka Afghanistaan. Dadka ayaa isku dayaya inay isaga cararaan magaalada.

Xiisad iyo cabsi xoog leh ayaa ka jirta magaalada iyadoo dalalka ajaanibta ah ay u xusul dubayaan inay muwaadiniintooda daad gureeyaan.

Warbixino horudhac ay ayaa sheegaya in madaxweyne Ghani uu u cararay dalka Tajikistan.

Qoraal la soo dhigay barta facebook-ga kuna socota shacabka Aghaanistaan, ayuu Ghani ku sheegay inuu qaatay go’aanka adag ee ugu baxay dalka si dhiig uusan u dadan.

Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in isna uu dalka ka cararay madaxwayna ku xigeenka dalkaasi Afqaanistaan ee Amrullah Saleh.

Farzana Elham, oo ah xildhibaan laga soo doortay magaalada Kabul, ayaa BBC-da u sheegay in dadka rayidka ah ay wadnaha farta ku hayaan, kuwaas oo isku dayaya inay dalka ka baxaan ama ay guryahooda isku qariyaan.

Ciidamadii hore ee ka dagaallamayay Afghanistaan ayaa walaac xooggan ka muujiyay in dalka uu u gacan galo “cadow” ay sheegeen inay la dagaallamayeen muddo 20 sano ah.

Office Nairobi Kenya           

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post