1410 Views

Qaar Kamid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran

Qaar Kamid Ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho Oo Saakay Xiran
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | February 23, 2019–Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta xiran,waxaana lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Isgoysyada qaar ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, kuwaas oo Gaadiidka u diidaya in ay maraan wadada,iyadoo dadka qaar ay lugeynayaan

Ciidamada dowladda isgoysyada ay xireen ayaa waxaa kamid ah, Isgoyska Tarabuunka,Taleex Banaadir, Ex-Koontarool Afgooye iyo kuwo kale,waxaana dadka Shacabka ah ay yihiin kuwa maalaya cagtooda.

Sababta loo xiray Wadooyinka qaar ee Magaalada Muqdisho  ayaa waxa ay tahay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed oo maanta u dabaal dagaya Sanad-guurada 49-aad ee ka soo wareegatay Aas-Aaskooda.

Dadka Shacabka ah ayaa goobahooda Shaqada iyo goobahooda Waxbarashada ay lug ku tegayaan.

.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment