357 Views

Nin lagu magacaabo Maxamed Khan oo la xirey markii uu ku dhawaaday naxashka boqorad Elizabeth

Nin lagu magacaabo Maxamed Khan oo la xirey markii uu ku dhawaaday naxashka boqorad Elizabeth
____________________________________________________________________________

.

Axad: SEPTEMBER 18, 2022

Nin 28 jir ah, ayaa lagu soo oogay danbi ka dhan ah xeerkadagsan, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka baxay safka tacsida, si uu ugu dhawaado naxashka boqoradElizabeth-da Labaad Jimcihii.

Muhammad Khan, oo dagan xaafadda Tower Hamlets ee bariga magaalada London, ayaa kasoo muuqan doona maxkamadda Westminster, maalinta Isniinta ah ee soo socota.

Booliiska caasimadda ayaa sheegay in lagu soo oogay ninkani sharciga nidaamka dawliga ah. Muuqaalka toos ah ee ka imanaya Westminster Hall, ayaa la gooyay markii uu shilku dhacay.

Bayaan kasoo baxay booliiska ayaa lagu yiri: “Muhammad Khan, waa qof 28 sano jir ah, dagan wadada Barleycorn Way, xaafada Tower Hamlets, waxaa lagu soo oogay dacwad sabtidii, oo ay taariikhdu ku beegnayd bishii Sebtembar 17-keeda, ee sanadkan 2022-ka, sida uu dhigayo Qeybta 4 A ee Sharciga kala danbeynta ee Bulshada.

“Waxa lasoo is taajin doonaa xabsiga maxkamadda Westminster maalinta Isniinta, oo ku beegan Sebtembar 19-keeda.” Waa qofkii labaad ee lagu soo oogo dambi ah inuu galay xadgudub, isagoo safka ku jira, si uu u arko naxashka boqorad Elizabeth-da Labaad.

Nin 19 jir ah, ayaa lagu soo oogay dacwad, kadib markii lagu eedeeyay inuu is qaawiyay, oo uu gadaal ka riixay dad barooranaya, oo markaa ku sugayay naxashka boqoradda Victoria Tower Gardens Arbacadii.

Adio Adeshine, ayaa lagu soo oogay labo dacwadood ,oo ah fara xumeyn iyo labo dambi oo ah jebinta amarka ka hortagga waxyeelada galmada. Wuxuu kasoo muuqan doonaa maxkamada Southwark Crown 14-ka Oktoobar.

Boqorad Elizabeth-da Labaad ee geeriyootay, ayaa waxaa naxashkeeda uu ooli doonaa Hoolka Westminster, ilaa maalinta aaskeeda ee Isniinta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post