2367 Views

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Amarkii Al-shabab shalay ka soo baxay.

Xukuumada Soomaaliya oo ka hadashay Amarkii Al-shabab shalay ka soo baxay.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | March 07, 2018 –Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay wararka sheegaya in Al shabab Dagmooyinka qaar ay ka mamnuuceen in lagu ciyaaro kubadda Cagta taasi oo la yaab ku noqotay qaar kamid ah shacabka Muqdisho.

kulan maanta ka dhacay magaladda Muqdisho oo ay Goobjoog ka ahaayeen Raysil wasare ku xigeenka Soomaaliya iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in Al-shabab ay garoomadda qaar ee ku yaala Muqdisho ka mamnuuceen in lagu ciyaaro kubadda Cagta.

Raysil wasare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay Dowladda Soomaaliya iyada oo ka shaqeenayso Hormarka Ciyaaraha Dalka islamarkaana aysan u joojin doonin Hadalkii Al-shabab shalay ka soo yeeray

 

Milkiiliyaasha garoomada iyo qaar ka mid ah dadka deegaanka ee xaafadaha waqooyi ee gobalka Banaadir ayaa Idaacadda Kulmiye shalay u sheegay  in Al-shabab ay ku amreen  dadka iskaleh Garoomada Salaxa ee lagu Ciyaaro kubadda Cagtaee Dagmooyinka qaar in ay xiraan

Dadka aan la hadalnay oo ka gaabsaday in aan adeegsano magacyadooda iyo Codkooda ayaa KNN u sheegay in degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Heliwaa laga mamnuucay Ciyaarista Kubadda Cagta waxaana fariintaan lala wadaagay oo kaliya milkiiliyaasha Goormada Salaxa ee degmooyinka aan soo sheegnay.

Faah faahinta la helayo ayaa sheegaysa in Garoomada Ciyaaraha laga joojiyay ee ku yalaan wixii ka dambeeya wadda 30-ka ee magaalada Muqdisho, waxaana milkiiliyaasha qaar looga yeeray gobalka Shabeelaha Hoose xarun ay Al-Shabaab ku leeyihiin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

————————————————————————–

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment