1020 Views

Koobka Qaramada Africa oo dardar xoog leh ku bilawdey

Koobka Qaramada Africa oo dardar xoog leh ku bilawdey
____________________________________________________________________________


isniin: January 10, 2022

Kooxda Cameroon ayaa ku garaacdey kooxda xulka qaranka Burkina Faso 2-1, taasoo aheyd ciyaartii lagu furey tartanka koobka qaramada Africa.

Baas heer sareeya, oo uu dhiibay Gustavo Sangare, ayaa niyadii kooxda Burkina Faso kor u qaadey, oo ay ku heleen gool, intii lagu jirey qeybtii hore ee ciyaarta, oo ka dhaceysay magaalada Yaounde.

Laakiin laba gool kulaad, oo la siiyey ciyaar yahan Vincent Aboubakar oo katirsan kooxda dalka Cameroon, ayaa jihadii ciyaartii dhanka kale u rogtey, iyadoo kooxdii ka socotey dalka marti galinaysa koobka laba gool laga dhaliyey.

Dhanka kale, Itoobiya ayaa wax weyn ku weysay ciyaartooy kamid ah ciyaar yahanadooda oo laga saarey ciyaarta, kadib markii uu qalad sameeyey.

Tababare Budista iyo sagaal kamid ah ciyaar yahanada kooxda dalka Cape Verde, ayaa u maqnaa cudurka Covid19 dartiis. Kooxdii ka socotey Bariga Africa, gaar ahaan dalka Itoobiya, ayaa noqotey toban qof.

Markaa kadib ciyaar yahanka Yared Bayeh, oo ku guul dareystay inuu xakameeyo kubad madax ah oo gadaal katimid, taasoo uu ka faa’iideystay ciyaaryahan Julio Tavares, oo katirsan kooxda Cape Verde, oo halkaasi kaga dhaliyey gool kooxda Itoobiya.

Kooxda Itoobiya ayaa waxaa lagu garaacey 0-1, iyadoo kooxdii ka socotey Cape Verde ay halkaasi ku hanatey guusha.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post