444 Views

Mareykanka oo Shiinaha uga digay in ay ku xad gudubto Cuneqabateynada ka dhashay dagaalka Ukraine ay saareen Ruushka.

Mareykanka oo Shiinaha uga digay in ay ku xad gudubto Cuneqabateynada ka dhashay dagaalka Ukraine ay saareen Ruushka.
____________________________________________________________________________


Isniin: March 14, 2022

Mareykanka ayaa Shiinaha uga digay in ay ku xad gudubto Cuneqabateynada ka dhashay dagaalka Ukraine ay saareen Ruushka.

“Waxaan si toos ah iyo si gaar ahba ula hadalnay Mas’uuliyiinta Shiinaha, annaga oo kala hadleyna Cawaaqibka ka dhalan kara haddii ay taageeraan Ruushka, marna ma oggalaaneyno in lagu xad-gudbo Cuneqabeynada Dhaqaale ee aan ku soo rognay Ruushka, cid kasta ha ku kacdo xad-gudubkaasiye” ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, Jake Sullivan oo wareysi siiyay Telefishinka CNN.

Wefdi sare ka socda Mareykanka oo uuna Horkacayo MR Jake Sullian, la-taliyaha Amiga ayaa maalinta Isniinta berri, ku kulmaya Magaalada Roma ee dalka Talyaaniga si ay uga wada hadlaan Arrimaha la xiriira Cuneqabatenada.

Dhinaca kale, Militeriga Ruushka ayaa isku dayaya in dhinaca Bari ee Caasimada Ukraine ay Kyiv ay jaraan, taasi oo cabsi ku abuurtay dadka deggan halkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post