705 Views

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab

Dowladda oo sheegtay in howlgal lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL October 19|  2020
—Ciidanka xoogga dalka Soomaliya ayaa maanta  howlgallo ka dhan kooxda Al-Shabaab  ka bilaabay wadada u dhaxeeysa degmooyinka Buulabarde iyo Jalalaqsi halkaas oo Xubno ka tirsan Al-Shabaab dhowr jeer ay weraro ka fuliyeen.

Taliyaha qeybta 27-aad  ee Ciidamada Dowladda Jeneraal Axmed Maxamed Tareedishe iyo saraakiil kale oo katirsan Qeybta 27-aad  ee ayaa sheegay in  howlgalka ay Khasaare xooggan gaarsiiyeen Al-shabaab kuwaasi oo ku sugnaa inta udhexeeysay magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka hiiraan.

Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad G/le Sare  Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo lahadlay warbaahinta Dowladda  ayaa sheegay in howlgalka lagu dilay 11- ka mid Al-Shabaab, kuwaas oo dadka dhibaateyn jiray sida uu hadalka u dhigay.

Degaanka ay ciidanka xoogga dalka howlgalka ka fuliyeen  ayaa lagu magacaabaa buurweyn oo udhexeeya degmooyinka Buul-burde iyo Jalalaqsi, waxaana laba maalin ka hor uu dagaal ku dhex-maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post