630 Views

Xalka waxaan u aragnaa in sharciga dib loogu laabto” kaddib fashilka shirka Dhuusamareeb

Xalka waxaan u aragnaa in sharciga dib loogu laabto” kaddib fashilka shirka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

 

Axad February 7, 2021

Ururada bulshada rayidka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay farta wadnaha kaga hayaan hannaankii dawladnimo ee Soomaaliya oo sida ay sheegeen mugdi galay kol hadii lagu heshiin waayey shirkii madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ku lahaayeen Dhuusamareeb.

Waxay sheegeen in ay aaminsan yihiin in ay ma huraan tahay in tilmaan iyo tixraac ba loogu noqdo dastuurka qabyada ah mar hadii la gaadhi waayey heshiis si xalka lagu saleeyo dastuurka.

Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa BBC u sheegay in xalka uu yahay in dib loogu laabto dastuurka si looga gudbo khilaafka harreeyay hanaanka doorashada ee Soomaaliya.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post