1923 Views

AKHRISO: Madaxweyne Gaas oo eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi

AKHRISO: Madaxweyne Gaas oo eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi
____________________________________________________________________________

Muqdisho , 23 Juunyo, 2018:–Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo Khudbad ka jeedinaayay kalfadhigga Xildhibaanada maamulka Puntland ee maanta ka furmay Magaalada Garowe ayaa waxaa si kulul uga hadlay dagaallada gobolka Sool.

 

Madaxweyne Gaas waxaa uu sheegay in Puntland ay diyaar u tahay in ay dib u celiso degaanada ka maqan ee ku yaalla gobolka Sool.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in ay u diyaar garoobeen dagaal ka dhan ah Somaliland,maadaama uu sheegay in degaanada Puntland lagu soo xadgudbay.

Waxaa uu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi in uu waddo dood ah in dowladda Ingariiska ay siisay gobolka Sool, taasina aysan aheyn wax soconkara.

Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in Xildhibaanada looga baahan yahay in ay ka qeyb  qaataan doorkooda ku aadan sidii gacanta Puntland loogu soo celin lahaaa Magaalada Laascaanood.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa bilihii lasoo dhaafay dagaal culus waxaa uu ku dhexmaray degaano ka tirsan gobolka Sool sidda degaanka Tukaraq.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre Ali 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment