666 Views

Gabadh uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan oo la afuubtay

Gabadh uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan oo  la afuubtay
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Gabadh uu dhalay safiirka Afghanistan u fadhiya Pakistan ayaa la afuubtay inkasta oo markii dambe la sii daayay.

Koox aan heebtooda la aqoon ayaa gabadha afduubtay, waxay u geysteen dhaawac.

Silsila Alikhil ayaa muddo saacado ah la heystay kadib markii la qafaashay xilli Jimcihii ay ku wajahneyd gurigooda oo ku yaalla caasimadda Pakistan ee Islamabad.

Wasiirka arrimaha dibadda Afghanistan wuxuu sheegay in ‘gabadhan si xun loo jirddilay’ isla markaana ay arrintan dacwad ka gudbin doonaan.

Waxaa in muddo ah sii xumaanayay xiriirka diblumaasiyadeed ee Afghanistaan iyo Pakistan.

Saraakiisha Pakistan waxay sheegay in gabadha ay baabuur ku riteen kooxdii afduubka ka dambeysay oo ay garaaceen.

Gabadhan ayaa haatan lagu daweynaya cisbitaal, safiirka wuxuu ku tilmaamay dhacdada mid ‘weerar gurucan’.

Wuxuu intaas ku daray in xaaladda caafimaad ee gabadhiisa ay wanaagsan tahay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post