891 Views

Ku dhawaad 7 askari oo ku dhimatay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Ku dhawaad 7 askari oo ku dhimatay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Ku dhawaad 7 askari oo ku dhimatay dagaalkii xalay ka dhacay Muqdisho

Feb: /19/2021

Ugu yaraan afar askari oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkii xalay dhexmaray ciidammada dowladda iyo ilaalada madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuu iyo Sh Shariif Sh Axmed, sida ay BBC-da u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan ciidanka.

Ilaa iyo 7 qof o kale ayaa ku dhaawacantay weerarkaasi oo billowday habeenbarkii.

Labada dhinac ayaa midba midka kale ku eedeyay inuu billaabay dagaalka.

Sidoo kale Masuuliyiin ka tirsan midowga musharraxiinta ayaa sheegay inuu jira khasaare dhimmasho iyo dhaawacba isugu jira oo ka dhashay rasaaseyntii saaka dhacday. Ma aysan faahfaahinin khasaarahaasi.

OFfice Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post