1485 Views

Sawiro:-Golaha Aqalka sare oo ka dooday hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka

Sawiro:-Golaha Aqalka sare oo ka dooday hindise sharciyeedka mihnadlayaasha Caafimaadka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 20, 2019 —Goalaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah ka dooday  Ajendaha shirkooda oo ahaa  Akhrinta 2-aad ee hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha caafimaadka Qaranaka (GMCQ).

 

Kulankii Maanta oo ahaa kii 10-aad , kalfadhigiisa 5-aad  ayaa waxaa shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya senator;  Cabdi Xaashi Cabdullahi.

 

Guddoomiyaha Guddiga horumarinta adeegga Bulshada, arimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka,  Senator Axmed Macalim Cumar Axmed (Nadiir) ayaa akhriyay warbixin ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray  hindise Sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka(GMCQ).

 

Senator, Dr;  Osman Mohamud Dufle oo  xubin ka ah Guddiga horumarinta adeega Bulshada, arrimaha Bina’adannimada, warfaafinta iyo dhaqanka ayaa akhriyay warbixin qodabada wax kabadalka lagu sameeyay

 

Kulanka waxaa soo xaadiray 29 Senatar ,ayadoo ay xildhibaannada Aqalka sare qaarkood soo jeediyeen talooyinkooda ku aaddan hindise sharciyeedka Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranaka (GMCQ)”, waxaana muddo aan la cayimin loo ballamay ka doodista hindise sharciyeedkan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment