831 Views

Den iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay muranka doorashooyinka

Den iyo Beesha Caalamka oo ka wada hadlay muranka doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 21, 2021—Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka u qaabilsan Soomaaliya oo uu hoggaaminayo ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay Xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan xal u helida tabashooyinka la xiriira Doorashada.

Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaya sidii xal loogu heli lahaa muranka doorashooyinka,  waxaana ay la kulmeen Midowga Musharixiinta iyo qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post