684 Views

Paislee Shultis: Gabar Mareykan ah oo la la‘aa 3 sano oo laga helay qol qarsoodi ah iyadoo nool.

Paislee Shultis: Gabar Mareykan ah oo la la‘aa 3 sano oo laga helay qol qarsoodi ah iyadoo nool.
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

Booliiska gobolka New York ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in gabar yar oo la waayey sanadkii 2019-kii, laga helay qol sir ah, iyadoo ku hoos jirtey jaranjaro.

Paisle Shultis, oo hadda lix jir ah, ayaa laga helay guri ku yaalla magaalada Saugerties, kadib markii la baarey Isniintii.

Xaaladdeeda caafimaad way wanaagsan tahay, oo hadda waxey dib ula midowday qof gaar u xanaaneynaya iyo walaasheed ka weyn, sida uu booliisku sheegay.

Waalidka ilmaha dayacay, ayaa lagu soo oogay dacwad ah xilgudasho la’aan, iyo iney khatar geliyeen daryeelka ilmaha.

Paislee ayaa laga soo wariyey in laga waayey degmada Tioga, ee magaalada New York, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxey booliiska. Waxey aheyd xiligaasi afar jir.

Maamulka xiligaasi waxey aaminsanaayeen iney afduubteen waalidkeed, Kimberly Cooper, oo 33 jir ah iyo Kirk Shultis Jr, oo 32 jir ah.

Kadib markii ay heleen xogta ah in Paislee lagu haayo meel qarsoon, oo ku taalla magaalada Saugerties, ee gobolka county-ga Ulster, booliisku waxey heleen warqad amar ah, oo lagu baarayo guriga. Dhismaha ayaa horey loo baarey.

Kirk Shultis Sr, 57 jir ah, oo guriga iska leh, ayaa halkaas ku sugnaa, markii ay booliisku sameynayeen baaritaanka, oo uu sheegay inuusan waxba kala socon Paislee, sida ay booliisku sheegeen.

Laakiin wax ku dhaw saacad oo lagu guda jirey baaritaan, ayaa mid kamid ah baarayaasha waxa uu ogaadey in jaranjarada qeybta hoose ee guriga ay u muuqdeen kuwo si la yaab leh loo dhisay.

Markii waxyaabo dugaal ah laga qaadey jaran jaradii hoosteeda, ayaa booliisku waxey halkaasi ku arkeen Paislee iyo Ms Cooper, oo ku dhuumanaya wax ay booliisku ku tilmaameen meel yar, oo qabow oo sidoo kalana qoyan.

Paislee ayaa waxaa baarey dhakhaatiirta caafimaadka, waxaana lagu soo waramayaa xaaladdeeda caafimaad iney wanaagsan tahay, Waalidka dhaley Paislee ayaa lumiyey mas’uuliyaddii iyada iyo walaasheed ka weyn waayitaankeeda, waxaana booliisku ay aaminsan yihiin in tani ay tahay sababtii ka dambeysay afduubka Paislee.

“Qof ayaa u sheegay waalidiinta in cunuga weyn uu soo qaadey mas’uulka sharciga ah, iyo mas’uuliyiinta degmada xiligaas, taasi waxey keentay in waalidiintu ay ka sxeysteen Paislee oo ay cararaan,” Taliyaha booliiska Saugerties Sinagra, ayaa u sheegay kanaalka wararka WNYT.

Ms Cooper, Mr Shultis Jr, iyo Mr Shultis Sr. dhammaantood waa la xirey, waxaana lagu soo oogay dacwad ah lumista Paislee. Aabaha iyo wiilka labadaba, waa lasii daayey, iyadoo maxkamad dib laga soo taagi doonno.

Ms Cooper waxey heysataa waaran sare, sidaa awgeed waxey kusii jiri doontaa xabsiga degmada Ulster.

Baadhitaanku wuu socdaa, dad bandanna waa lasoo qab qabanayaa, ayaa lagu yiri bayaan uu soo saarey booliisku.

Inta badan carruurta la sheegay in lagu la yahay gudaha dalka Mareykanka, waxaa si badbaado leh loo helaa muddo yar kadib, sida ay sheegtay Xarunta Qaranka Carruurta La la yahay, iyo kuwa la xadgudbey.

Laakiin xaruntu waxey intaasi ku dartey in kiisaska afduubka qoyska, in xiliga ugu dheer ee ay maqnaadaan celcelis ay tahay ku dhowaad toban bilood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post