960 Views

Ciidanka dowladda oo sheegay in ay dileen 300 oo shabaab ah

Ciidanka dowladda oo sheegay in ay dileen 300 oo shabaab ah
____________________________________________________________________________

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay dileen 300 oo dagaal yahan oo katirsan Al Shabaab.
Dagaalyahanadan ayay sheegtey dowladdu iney ku dishay hawl galada culus ee ay beryahan ka wadey furimo kala duwan.

Warbaahinta dowladda, ayaa baahisay in ciidamadoodu ay kala dhantaalen saldhig ay leeyihiin Alshabaab, kaasoo u qaabilsanaa dhanka saadka.
Dhawaanahan ayey dowladdu waxey ka wadey hawlgallo balaaran qeybo kamid ah gobolada, hawlgaladan ayey ka fulisay bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Dowladda waxey intaa ku dartey in ciidamadu ay burburiyeen keyd cunto oo ku yaalla degmada Maxaas, oo dhacda bartamaha Soomaaliya.
Sidoo kale ciidamadu waxey la wareegeen bakhaar ku yaalla tuulada War Ciise oo katirsan gobolka Shabeelaha Dhexe ee Koonfurta Soomaaliya, halkaasoo ay Al Shabaab u isticmaali jireen keydinta hubka iyo shidaalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post