1005 Views

dowladda federaalka oo Dubai uga qeyb galeysa shir looga hadlayo Shidaalka Afrika

dowladda federaalka oo Dubai uga qeyb galeysa shir looga hadlayo Shidaalka Afrika
____________________________________________________________________________

Isniin: November 8, 2021

 Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabka waxaa maanta ka furmay shirka Africa Oil Week 2021, kaas oo anadkaan ay marti gelisay dowladda Imaaraadka.

Mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray Dubai si ay uga qeyb galaan shirkaas.

Wafdi uu hoggaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Maxamed Xaashi Carabey iyo guddoomiye ku xigeenka hay’adda Batroolka Soomaaliyeed ayaa shirkaas ugu qeyb-galaya dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkaan ‘Africa Oil Week’ oo looga hadlo arrimaha shidaalka ee dalalka qaaradda Afrika ayaa sanadkaan waxaa marti gelisay dowladda Isutaga Imaaraadka Carabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post