516 Views

Dib u dhac ku yimid kuraas doorashadooda ka dhici lahayd Beledweyne + Sababta.

Dib u dhac ku yimid kuraas doorashadooda ka dhici lahayd Beledweyne + Sababta.
____________________________________________________________________________

 

Sabti:February 26, 2022

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa shaaciyay Guddiga soo xulaya ergada saddexda kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadooda tahay Beledweyne.

Guddiga Maamulka Doorashada ee Hirshabeelle ayaa horey u sheegay in maanta ay Beledweyne ku qabanayaan Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Gobolaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kuraasta ay shaaciyeen doorashadooda waxaa ay kala yihiin HOP#006, HOP#022, HOP#003, HOP#032, HOP#252 iyo HOP#068.

Sidoo kale, Guddiga ayaa ku dhawaaqay xalay in dib u dhac uu ku yimid doorashada kuraasta Lixda ah ee deegaan doorashadoodu tahay Beledweyne.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu yiri” Guddiga Doorashada Hirshabelle ( SEIT) ayaa ku wargaliyay dhamaan umadda somaaliyeed iyo Murashixiinta in uu dib u dhac ku yimid qabsoomida doorashadii loo madlanaa in maanta qabto Sababo Farsamo awgeed.

Guddiga ayaa tilmaamay in doorashada 6-daasi  kursi ay qaban doonaan maalinta berri ah, maadama cilado farsamo ay jiraan.

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post