1248 Views

Mareykanka oo horay u soo saaray digniin ku socota dad uu ka mid yahay Farmaajo

Mareykanka oo horay u soo saaray digniin ku socota dad uu ka mid yahay Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Dowladda Mareykanka ayaa horay u saartay digniin ku socota dadka xilalka haya ee heysta dhalashada Mareykanka, taasoo ku wajadneyd Madaxda xilalka heysa uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay dadaal ugu jirto in ay dib uga soo celiso dhalashooyinka Mareykanka Shaqsiyaadka xil doonka ka ah meel aan aheyn dalka Mareykanka, islamarkaana la xoojin doono Midnimadda wadajirka Muwaadniniinta Mareykanka.

 

 

 

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa  horaantii bishii Maarso ee sanandkan soo saartay amar ku aadan muwaaddiniinta Mareykanka ee xilalka saameynta siyaasadeed leh ka haya dalal kale.

 

Wasaaradda ayaa sheegtay xilligaasi in shuruucda dalkaas lagu caddeynayo inay dhici karto in qofkaas uu lumiyo dhalashada Mareykanka, haddii uu u tartamo xil, loona dhaariyo, taasi oo dowladda Mareykanka ay sheegtay in aysan waafaqsaneyn shuruucda dalkeeda.

 

“Kiisaska la xiriira muwaaddiniinta Maraykanka ee haatan madaxweyne ka ah dalal kale, ama wasiir arrimo dibadeed ah waxaa ka dhalanaya su’aalo adag oo la xiriira sharciyada caalamiga ah, wasaaradda arrimaha dibedda ayaa arrimahaasi si gooni gooni u eegi doonta”.ayaa lagu yiri Warka xilligaasi ka baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

 

Tilaabaddan Jinsiyadda laga noqonayay dadka xilalka u tartama ayaa waxaa daba ka riixayay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

 

Sidoo kale Waxaa xusid mudan in Sharciga Mareykanka uusan ogoleyn  in qof haysta baasaboorkooda uu dalkaasi tego isagoo adeegsanayo baasaboor dal kale.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa labo jeer ka baaqday Shirka guud ee Qaramada Midoobey ee Magaalada New York, waxaana sababta lagu sheegay in Sharciga Mareykanka uusan Ogoleyn in Madxweynaha heysta dhalashadda Mareykanka uu taggo dalkaasi.

 

Ugu dambeyntii War-Saxaafadeed Maanta kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dib u celiyay dhalashadii labaad ee uu ka heystay dalka Mareykanka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment