888 Views

Madaxweynaha Masar oo booqasho deg deg ah ku tagaya Dalka Suudaan

Madaxweynaha Masar oo booqasho deg deg ah ku tagaya Dalka Suudaan
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 6da Maarso, 2021:
-Madaxweyne C/Fataax Al-sisi waxa uu maanta booqan doonaa caasimadda dalka Sudan ee Khartoum, isagoo la kulmi doona Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalkaasi, Jeneral C/Fataax Al-burhaani.

Labada mas’uul waxay Kulankooda kaga hadli doonaan xaalladihii ugu dambeeyey ee Mandiqada, Xiriirka Milliteri ee labadooda dal, Muranka Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD, Ammaanka Badda Cas, Xaalladda Xuduudka Sudan iyo Iskaashiga Wadajirka ee labadooda dal.

Afhayeenka Rasmiga ee Madaxtooyada Masaarida, Basaam Raali waxa uu sheegay in booqashada Madaxweynuhu ku tegayo Sudan noqonayso tii ugu horeeysay ee uu ku tago dalkaasi, tan iyo markii ay Madaxda Golaha Milliteriga la wareegeen Talada dalkaasi.

Booqashada Madaxweynaha Masar waxay ku soo beegantay, maalmo kadib, markii ay Taliyayaasha Milliteriga ee labada Waddan kala saxiixdeen Heshiis Iskaashi Milliteri.

Heshiiskaasi oo maalintii Talaadada ee la soo dhaafay lagu saxiixday magaalladda Khartoum waxaa qoddobadiisa ugu waa weyn ka mid ah Iskaashi ,Dhoolatus Milliteri oo Wadajir ah, Ilaalinta Xuduudaha iyo La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Araggixisada.

Iskaashiga Milliteri ee labada Waddan waxa uu Ethiopia cadaadis ku saari doonaa inay joojiyaan Buuxinta Biyo-xireenka GERD, iyadoo ay Masar iyo Sudan u arkaan mid khatar ku ah Nolosha Muwaadiniintooda.

Dadka Masaarida oo tiradooda guud dhan tahay 100,000 oo qof waxay 90% biyaha Webiga Nile ee Ethiopia ka soo faruurma.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post