747 Views

Nigeria Boqollaal ka mid ah wiilashii la afduubtay oo la soo badbaadiyay

Nigeria  Boqollaal ka mid ah wiilashii la afduubtay oo la soo badbaadiyay
____________________________________________________________________________

Boqollaal wiilal iskuulley ah oo toddobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay iskuul xannaano oo ku yaalla waqooyi-galbeed Nigeria ayaa la sii daayay, sida ay sheegeen maamulka gobolka Katsina.

Afhayeen u hadlay barasaabka gobolka ayaa sheegay in 344 qof la sii daayay dhammaantoodna ay xaaladdoodu wanaagsan tahay.

Si kastaba, wararka kale ayaa sheegaya in ardayda qaarkood ay ku jiraan gacanta afduubayaasha.

Weerarka waxaa sheegtay kooxda Islaamiga ah ee Boko Haram, kuwaasoo saacado kahor sii daayay muuqaal muujinaya qaar ka mid ah wiilasha.

Warsaxaafadeedkiisa, ayuu Abdul Labaran, ku sheegay in wiilasha loo qaaday magaalada caasimadda u ah Katsina, isla markaana ay sida ugu dhaqsaha badan ula midoobi doonaan qoysaskooda.

Wuxuu sheegay in muuqaalka ay sii daayeen Boko Haram uu yahay mid jira, balse farriinta ku dhex jirta ee la sheegay inay ka timid hoggaamiyaha kooxda, Abubakar Shekau ay ahayd mid la farsameeyay.

Maamulkaayaa hore u shaaciyay tiro ka yar tan ay dadka deegaanka sheegeen oo ah wiilasha la afduubtay, mana cadda inay dhammaantood bad qabaan iyo in kale.

Barasaabka gobolka Aminu Bello Masari oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa yiri, “waan soo badbadinnay inta badan wiilashada. Ma aha dhammaantood,” iyadoo ilo ammaanka ah ay wakaaladda wararka ee AFP u sheegeen in qaar ka mid ah ay weli gacanta ugu jiraan afduubayaasha.

Mr Labaran ayaa sheegay in cidna aan laga dilin wiilasha la afduubtay, taas oo ka hor imaaneysa wiilka muuqaalka laga dhex arkayo oo sheegay in qaar ka mid ah wiilasha ay dileen diyaaradaha dagaalka Nigeria.

Ma cadda sida ay ku timid sii deynta wiilasha balse waxaa warka BBC Hausa u xaqiijiyay sarkaal kale oo dowladda ka tirsan.

Maxaa dhacay intii uu weerarku socday?

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in rag hubeysan ay fiidnimadii Jimcihii la soo dhaafay tageen iskuulka oo ku yaalla magaalada Kankara, isla markaana ay arday badan ka boodeen derbiga iskuulka ayna carareen markii ay xabbado maqleen.

Kuwo kale ayaa waxaa soo qabtay ragga hubeysan oo isaga dhigay inay yihiin ciidamada ammaanka, sida ay sheegeen ardayda baxsatay. Markii ardayda la hareereeyay,raggii hubeysnaa ayaa keyn meesha u dhow istaajiyay una kala qeybiyay kooxo.


XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Shalay, muuqaal ay sii deysay Boko Haram waxaa laga arki karay qaar ka mid ah wiilasha, oo qaarkood ay aad u da` yaraayeen.

Mid ka mid ah wiilasha ayaa sheegay inay afduubteen burcadda hoggaamiyaha Boko Haram ee Abubakar Shekau isla markaana dhammaan ciidamada dowladda ee loo diray inay caawiyaan ay tahay in la celiyo.

Muxuu muujinayaa sawirka guud?

Boko Haram ayaa tobankii sano ee ugu dambeeyay caan ku ahayd afuudbka ay ka geysato iskuullada, waxaa ka mid ah afduub ay sanadkii 2014 ka geysteen Chibok, iyagoo ku dhowaad 300 oo gabdho iskuulley ah afduubtay. Hadafka kooxda ayaa u muuqda inuu la micno yahay “Waxbarashada galbeedka waa mamnuuc”.

Si kastaba, afduubyadan ayaa ilaa haatan ka dhacaya waqooyi-bari Nigeria, oo saldhig u ah Boko Haram.

Inkastoo ay Boko Haram sheegatay, haddana dowladda Nigeria ayaa sheegtay in afduubkii gobolka Katsina ay fuliyeen dabley gudaha ah oo lala xiriirinayo kooxda Islaamiga ah.

Weerarrada iyo afduubyada hubeysan ayaa ku badan waqooyi-galbeed Nigeria waxaana aalaaba loo aaneeyaa dabley, oo ah eray dabacsan oo loo adeegsado burcadda ka howlgasha halkaas.

Amnesty International ayaa sheegtay in in ka badan 1,100 qof ay kooxda burcadda ah dileen lixdii bilood ee ugu horreeyay sanadkan, iyadoo ay dowladda ku guul darreysatay inay burcaddaasi caddaaladda marsiiso.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post