1002 Views

Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay Dagaalada ka dhanka ah Al-Shabaab, kadib Markii Bacadwayn qabsadeen Al-shabaab

Puntland iyo Galmudug oo ku heshiiyay Dagaalada ka dhanka ah  Al-Shabaab, kadib Markii Bacadwayn qabsadeen  Al-shabaab
____________________________________________________________________________

April 19-2021

Maamulada dariska ah ee Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta ku heshiiyay in ay iska kaashadaan dagaalada ka dhanka ah dagaalmeyaasha Al-Shabaab.

Kulan ay goobjoog ahaayeen wasiirada amiga, saraakiisha ciidamada dowlad-gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay xoohjinta amniga iyo iskaashi laga sameeyo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana hal meel looga soo wada jeesto cidkasta oo ka shaqeyneysa amni darro.

Wasiirka Wasaarada Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Galan oo kulanka ka dib warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in la isku raacay sidii wada jir la isaga kaashan lahaa sugida amniga labada maamul.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post